
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Qorshe loogu magac daray “Isxilqaan” oo lagu dhisayo xarumaha waaweyn ee dowladda, kadib markii qorshahaasi oo laba bilood jirsaday loo bedelay mid Qaran oo dalka dib loogu dhisayo.
Madaxweyne Farmaajo oo manta ka hadley furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka aya faahfaahin ka bixiyey Barnaamijka Isxilqaan, wuxuuna sheega in 6 xarumood oo muhiim u ah Qaranka lagu dhisi doono Barnaamijkan, kuwasoo kala ah:
- Matxafka Qaranka
- Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Dadweynaha
- Maktabadda Qaranka
- Xaruntii Dhexe ee Xisbiga
- Muqdisho Stadium
- Isbitaalka Banaadir
“Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka” ayuu yiri madaxweyne farmaajo