Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;
1. | Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye |
2. | Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen |
3. | Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin |
4. | Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin |
5. | Xasan Xuseen Xaaji, Xubin |
6. | Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin |
7. | Durraan Axmed Faarax, Xubin |
8. | Cumar Cali Rooble, Xubin |
9. | Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin |
10. | Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin |
11. | Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin |
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed