FeaturedSomali News

Al-shabaab, oo sheegtay in 20 askari ay qarax ku dishay.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lagu soo warramayaa in xarakada Al-Shabaab  ay la beegsatay xarun ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidammada Danab ee Soomaaliya  iyo kuwa Maraykan ah.

Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegtay in 16 askari oo Soomaali ah iyo 4 Maraykan ah ay ku dishay qaraxa oo ka dhacay xero kutaalla deegaanka Janaa Cabdalla oo 55km dhanka Waqooyikaga beegan magaalada Kismaanyo.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradaha qummaatiga u duula oo ku degaya xerada ciidanka ee dagaalku ka dhacay.

Ilaa iyo hadda Dawladda Federalka ah iyo taliska ciidammada Maraykanka midkoodna kama uusan hadlin arrintaas.
Back to top button