Somali News

Al shabab iyo dad Shacab ah oo Ku dagaalamay Gedo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Tuulada Seero ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ururka Al shabaab iyo dadka degaankaasi.

Wariye Ku suganGobolka Gedo ayaa u sheegay Wadani.com in dagaalka uu la xiriiro dher deegaankaas laga jarayay.

Ururka Al shabab ayaa la sheegay inuu dhir ka jarayay halkaasi halka dadka rayidka ah diidanaayeen.

Hal qof oo shacab ah ayaa Ku dhaawacmay dagaalka waxaana qofkaas la geeyay Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

Meelo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya dadka Shacabka ah iyo Al shabaab.

Inta badan dagaalladaas ayaa salka Ku hayo xoolo ay al shabaab ka qaadaan dadka iyo mararka qaar Carruurta oo ay Al shabaab ka wadaan dadka xoolaleyda ah.

Back to top button