Somali News

Al Shabab oo afduub ka geystay Waqooyi Bari Kenya.

Ururka Al shabaab ayaa la sheegayaa in saacadihii la soo Dhaafay ay dhowr weerar ka geysteen Gobolka Soomaalida ee hoostaga Kenya.

Gaari Bas oo ka baxay Mandheera ayaa jidka loo galay waxaana lagu furay rasaas hayeeshee waa uu oa badbaaday.

Wadaha gaariga Baska ah ayaan bareeg u qaban weerarka waxaana ay sababtay wax yeello la’aan in ay ka baxsadaan dableydii weerartay.

Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdewn afar qof oo waday waraaqaha imtixaanaadka ayey Miino la kacday.

Waxaa la xaqiijiyay in laba ka mid ah afarta qof ay badbaadeen iyaga oo badqaba hayeeshee labadii kale la la’yahay.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Banisa Peter Lotulia, ayaa xaqiijiyay dhacdooyinkan.

Back to top button