Somali News

Al shabab oo burburisay Taawer ay lahayd Sharikadda Isgaarsiinta Safaricom

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay  weerar ku ekeeyeen xarun Sharikadda Safaricom ay ku lahayd duleedka Mandheera.

Al Shabab ayaa saqdii dhexe xalay burburisay Taawerka isagaarsiinta safaricom Deegaanka Karo ee hoostimada magalada Mandheera.
Al Shabab ayaa iska caabin yar kala kulantay ciidamada KPR -ta ilaalinaayey isgaarsiinta.Waxaa gabi ahaanba hawada ka maqan isgaarsinta Safaricom ee deegaanka Karo oo 11 Km u jirto magalada Mandheera.
Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u burburisay xarumaha Safaricom ee Gobolka Soomaalida iyada oo Ciidamada Kenya oo arrintaas ka careysan ay iyana burburiyeen Xarumo Sharikadda Hormuud Telecom ku lahayd Gobollada Jubbaland.
Back to top button