Somali News

Al shabab oo dib u qabsaday Magaalo muhiim ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay Magaalo Istiraatiiji ah oo Ku taalla Koofurta Soomaaliya.

Ciidan ka tirsan Al shabab ayaa dib u qabsaday Degmada Leego ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Magaaladan oo Ku dhextaalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba ayaa waxaa horay dagaal ugu qabsaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Kaddib markii sabab aan la sheegin ay Ciidanka Dowladda uga baxeen Magaaladaas ayaa waxaa durbadiiba dib u qabsaday Al shabab.

Leego oo Ku dhawaad 100km dhinac Galbeed uga beegan Muqdisho waxa ay u dhowdahay Garoonka Diyaaradaha ee Bali Doogle.

Balidoogle waxaa uu saldhig u yahay Ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Back to top button