Somali News

Al shabab oo isku dayay in ay dilaan Kibaki iyo Raila Odinga

Wargeysa Daily Nation ee ka soo baxa Waddanka Kenya ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo in Al-shabaab ay isku dayeen dilka Madaxweynihii hore ee Kenya Moi Kibaki iyo Ra’isalwasaarihiisii Raila Odinga.

Qorshe ayey dejiyeen Al shabaab mid ka mid ah ayaana ku laalaabanayay deegaanka Nyeri, halkaas oo uu marayay Madaxweynaha.

Qorshaha waxaa uu ahaa in howlgalkaas la fuliyo bilihii June ilaa October 2012kii xilligaas oo muddo sanad ah ay Ciidamada Kenya ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya.

Sida ku cad Dukumiintiga ay Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ ee Dacwadda Badda waxaa ay ku dartay in Al-shabaab oo ka jira Soomaaliya ay isku dayeen in ay afgambiyaan dowladda Kenya sidoo kalena dilaan Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaarihii xilligaas.

Hayeeshee isla warqadda ayey Dowladda Kenya ku sheegtay in Koox ka dhisan gudaha Kenya oo lagu magacaabo Al Hijra loo xilsaaray fulinta howshaas.

Al-shabaab ayaa sanadkii 2013kii weeraray Suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dileen 67 qof oo isugu jiray Ajaanib iyo Kenyaan.

Back to top button