Somali News

Al shabab oo la wareegay deegaano ka tirsan Laasqoray

Dhaqdhaqaaqa Al shabab ayaa la sheegayaa in ay gacanta Ku dhigeen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen Deegaannada Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, oo hoostagaan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada al shabab lagu arkay tuulooyinkaas iyaga oo halkaas dadka deegaanka kula hadlay.

Gobolka Sanaag ayaa waxaa isku heysta Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Al shabaab oo ka faa’ideysanaya muranka labada Maamul Goboleed ayaa waxay qabsadeen deegaano ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Back to top button