Somali News

Al shabab oo shan qof ku toogtay Jilib

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen Shan ruux oo ay u jeediyeen Eedeymo kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen sirdoonka dowlad Shisheeye.
Dadka la toogtay oo dhamaantood rag ahaa ayaa waxaa goobta lagu tooganayay ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Jilib oo ay Al-Shabaab ku amreen inay usoo banbaxaan daawadashada xukunkan.
Dadka ay Al-Shabaab ku toogteen fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay badankood ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen qorshayaal lagu duqeeyay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, lana qabtay , iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka, waxaana dadka la toogtay ay kala yihiin.
1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.
2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.
3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka..
4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.
5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.
Al-Shabaab ayaa horay waxaa meelo kamid ah Soomaaliya ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen sirdoonada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen deegaanada ay maamulaan , iyadoo aysan jirin cadeyn madax banaan iyo qareen udooda dadka eeda loo jeediyo ee ay xukumaan Al-shabaab.

Back to top button