Somali NewsWarbixin

“Al shabab waxa akoono Bangi Ku leeyihiin Salam Bank”, UN

Qaramada Midoobey ayaa baahisay baaritaan ay wadday muddo sagaal bilood ah waxaana ay ku shaacisay dhaq dhaqaaqa maaliyadeed ee al shabab.

Warbixinta oo ay soo gudbiyeen khubarrada Qaramamada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee (Panel of Experts) ayaa lagu sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay Ku sameeyeen $13Milyan oo dollar.

$2.4Milyan waxaa ay ka sameeyaan baraha koontaroolada ee Gobolka jubada hoose, halka, $5.8milyan ay ka sameeyeen Dekadda Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa ay maamulaan gobollo kale oo ay dhaqaale farabadan ka sameeyaan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in al shabaab ay lacagaha Isaga kala gudbiyaan Bangiga Salaam Somali Bank oo ay Ku leeyihiin ilaa laba akoon sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobey.

Afhayeen u hadlay Bangiga Salaam ayaa sheegay in aysan ka warqabin akoona noocaas ah oo ka furan Bangiga waxaase uu sheegay in ay hubinayaan.

Afhayrenka ayaa Sheegay in aysan akoon u furin shaqsiyaadka ay saarantahay Cunaqabateynta Caalamiga ah.

Bishii May ee sanadkan ayaa warbixintan ay baahisay Newyork times lagu sheegay in laba akoon la dhexmariyay $320,000 oo doollar loona sii wareejiyay akoon saddexaad.

Xarunta lasocodka lacagaha Dowladda Soomaaliya ee FRC ayaa iyaduna baaritaanka qeyb ka ah sida ay sheegeen Guddiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa meesha ka saarin in shabab ay si toos ah u maalgashan karaan Bangiyada iyo dharikadaha Ganacsiga ee Real state ka loo yaqaan.

Xigasho: Newyork Times.

 

Back to top button