Somali News

Al Shabab iyo Ciidanka dowladda oo Ku dagaallamay Buulalow

Ciidamo ka kala tirsan Al shabab iyo Kuwa dowladda Federaalka ayaa Ku dagaallamay Gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala gaaray dhinacyadii dagaallamayay.

waxaana wararku ay intaas ku darayaan in Weerarkaas lagu dilay Askar ka tirsanb Ciidanka Dowladda.

Weerarka aya yimid kadib markii sida la sheegay ay dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar dahbbagal ah ku qaadeen Ciidanka, waxaana Shabaaab ay weerareen sida dad goob joogayal ah inoo sheegeen Gaadiid ay wateen Ciidanka Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Dagaalka aya si gaar ah uga dhacay sida la sheegay degaanka Buulalow ee degmada Afgooye, waxaana lasoo wariyay in ay ku dhinteen Asakar ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana ka mid ahaa Askarta weerarkaas ku dhintay Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale

Back to top button