Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Amiirka Dalka Qatar oo saxiixay heshiisyo & Mashaariic laga fulinayo dalka Soomaalia

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015.

Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media