Somali News

Amiirkii Al-shabab ee Tuulooyin hoostaga Qoryooley oo Dowladda Isu dhiibay

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay in ay sheegeen in uu yahay AMiirka Al-shabaab ee Tuulooyinka hoostaga Degmada Qoryooley ee Gobolka Shbaellaha hoose.

Sarkaalkaan kasoo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa degmada Qoryooleey kusoo dhaweeyay kusoo dhaweeyay taliyaha Ciidamadda Madaniga ah ee degmada qoryooley Col- Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM.

Taliyaha Ciidamadda degmada Qoryooley Korneyl Cali Waaal ayaa ugu baaqay dhalinyaradda hadda ku jirta Al-Shabaab ee ka barbar dagaalama in ay isa soo dhiibaan si aysan u dhibateen dadkooda iyo dalkooda loona fudinaayo cafis.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in amniga ee Degmada Qoryooley uu yahay mid wanaagsan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Back to top button