Somali News

AMISOM iyo Dowladda oo billaabaya howlgal ka dhan ah AL shabab

Saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Taliska qeybta 4aad ee AMISOM ee Hirshabelle waxaana ay kulankaasi uga hadleen arrimo dhowr ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha AMISOM Diomede Ndegeya, ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ka qeybgashay kulankaasi oo lagu gorfeynayay isku xirka howlgallo ka dhan ah AL shabaab opo laga fuliyo dalka.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ay billaabayaan howlgalo isku xiran oo dalka lagaga saarayo AL shabaab sida ay sheegeen.

Kulanka Baladweyne ka dhacay ayaa waxaa uu qeyb kahaa kulamo u socday Taliyayaasha AMISOM, Xoogga Dalka iyo Taliyayaasha qeybaha ee labada Ciidan.

Back to top button