Somali News

Amisom iyo Hirshabelle oo iska kaashanaya amniga doorashooyinka

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Horshabeelle ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda ugu sarreysa AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane ayaa inta badan looga hadlayay amaanka doorashooyinka iyo weerarrada ka dhanka ah Al shabab.

Wasiir Maxamed Kheyre oo ah wasiirka Amiga Horshabeelle ayaa kulanka la qaatay madaxa howlgalka Amisom ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM.

Wasiir Kheyre ayaa Sheegay in labada dhinac ka wash hadleen adkeynta Amniga doorashooyinka Hirshabeelle iyo Kuwa Federaalka ah ee dhawaan ka dhacaya maamulkaas.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka wada hadleen howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo laga fuliyo degaannada Hirshabeelle.

Magaalooyinka waaweyn ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kala xiran iyada oo waddooyinka isku xira ay maamulaan Al shabaab magaalooyinka qaarna go’doomiyeen.

Back to top button