Somali News

Amisom iyo SNA oo tababar loogu qabtay Kismaayo

Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo kuwo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka ayaa tababar dhinaca xuquuqul insaanka ah loogu qabtay Magaalada Kismaayo.

Howlaglka Amisom ee Soomaaliya oo tababarka soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in ciidamada la barayay habka loo dhowro xuquuqda aadanaha xilliyada howlgallada, la dhaqanka maxaabiista iyo isdhexgalka dadka ku sugan goobaha ay la wareegaan ciidamada.

Waxaa kale oo tababarka ka mid aheyd dhowridda xuquuqda jinsiga gaar ahaana Haweenka ku jira labada ciidan.

Ciidamada Amisom ee ka howlgala Soomaaliya gaar ahaanna kuwa Kenya ayaa gabood fallo ka dhan ah nolosha dadka Soomaaliyeed ka heysta gobollada jubbooyinka.

Back to top button