AMISOM oo Amaanka Afgooye ku wareejisay XDS

Munaasibad Kooban Oo Lagu Qabtay Degmada Afgooye Ayaa Taliska Amisom Ku Wareejiyey Mas’uuliyada Taliska Afgooye
Munaasibadaan Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dhulka Xoogga Dalka, Taliye Ku Xigeenoa Ciidanka Amisom, Taliyaha Qeybta 12 April, Taliyaha Sector 1 Amiso Taliyah Guudata 1-Aad Qeybta 12 Aril G/Sare Kornel Hassan Mohamed Abukar (Jaamici) Abaanduullaha G-1-Aad Q/12ka Apriil G/Sare Mohamed Mohamud (Qataatow) Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose,Gudoomiyaha Degmada Afgooye Iyo Taliyaha Saldhiga Dagmada Afgooye G/Dhexe Nuur Xayir
Ugu Horeyn Waxaa Goobta Ka Hadlay Taliyaha Sector One Amison Genaral Nabasa Isagoona Sheegay In Ay Ku Faraxsan Yihiin In Maanta Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaliyeed Ay Ku Wareejiyaaan Afgooye Guud Ahaan Amnigeeda
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed Genaral Maxamed Tahliil Biixi Ayaa Uga Mahadceliyey Ciidnaka Amisom Sida Ay U Soo Gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maanta Awood U Leh In Ay Kala Wareegaan Amniga Guud Ee Dagmada Afgooye
Sidoo Kale Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Amisom Genaraal Shume Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyey Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Masuuliyada Guud Ee Taliska Afgooye
Ugu Guddomiyaha Gobolka Shabeeladaha Hose Ayaa Ugu Mahadceliyey Talisyada Maanta La Kala Wareegay Mas.uuliyada Amniga Degmada Afgooye Iyo Tan Gobolka Intaba
Ciidanka Amisom Ayaan Hore Dhowr Saldhig Ugu Warejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Kuwaas Oo Kala Ah Degaanka Bariire, Mashalaay.