Somali News

AMISOM oo Boolis u tababareysa Hirshabelle,Sawirro

Wafdi sare oo ka socda Holwgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ay booqasho ku tageen Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Rex Dundun, oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ah ee AMISOM waxaana ay halkaas kula kulmeen madaxda Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle qeybta ku sugan Jowhar.

Waxaa ay Wafdigan kala hadleen madaxda Booliska Hirshabelle tababarka Ciidamada Booliska Hirshabelle si ay uga qeybqaataan sugidda amniga goobaha doorashooyinka dalka.

Wafdigan ayaa waxaa ay horay u booqdeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana ay halkaas kula kulmeen madaxda Booliska iyaga oo ka wada hadlay tababarka Ciidamada Maamulka ee Hirshabelle gaar ahaanna Gobolka Hiiraan.

May be an image of one or more people, tree and indoorMay be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 1 person, standing and outdoors

May be an image of one or more people and outdoors

Back to top button