Somali News

Amisom oo howlgal ka dhan ah Al shabab ka fulineysa Hirshabelle

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ballabqaaday in Howlagallo ka dhan ah Al shabaab ay ka fulinayaan deegaannada Hirshabelle .

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Hirshabelle iyo wakiilka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ka qabsoomay Muqdisho kaas oo lagu gorfeeyay xaaladda Hirshabelle.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlawe Xuseen oo howlo Shaqo u jooga Magalada Muqdisho ayaa galabta qaabilay wakiilka Midowga Africa ee Somaliya Ambasador Francisco Madeira.

Kulankaan ayaa looga hadlay Amniga Guud ee Deegaanada Hirshabeelle, sidii loo fulin lahaa howlagalo ka dhan ah kooxda Argagixisada ah”.

 

Back to top button