Somali News

AMISOM oo sagootisay Ciidan ka baxay Soomaaliya

Howlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa sagootiyay Saraakiil ka tirsanaa oo dhameystay howlgalkooda Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa waxaa ay ka koobnaayeen dhowr iyo labaatan qof,waxaana ay u kala dhasheen dalalka Siraaliyoon,Kenya, Zambia iyo Ghana.

Waxaa ay ka qeybqaateen dhismaha Booliska Soomaaliya waxaana ay dhameysteen howshoodii sanadka ahayd.

Saraakiisha kale ee AMISOM ayaa abaalgudyo iyo billado guddoonsiiyay Ciidamada ka baxay Soomaaliya.

AMISOM ayaa waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari, waxaana ay dowladda ka taageeraan dagaalka Al shabab, sugidda amaanka hay’adaha dowladda iyo tababarka Booliska Soomaaliyeed.

Back to top button