Somali News

AMISOM oo Suuqyada Muqdisho ka qeybisay Agab Caafimaad,Sawirro

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa suuqyada Muqdisho ka qeybiyay agab Caafimaad oo la siinayay Ganacsatada iyo dadweynaha Magaalada.

Saraakiil iyo dhaqaale ka tirsan Amisom ayaa Ganacsatada iyo dadka siinayay waji xir, Gacma dhaq, Gacma gashi iyo alaabo kale.

Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in ay arrintan ay oga gol leeyihiin la dagaallanka cudurka Covid19 ee Caalamka dhibaatada ku haya.

Inkasta oo kiisaska Carona ee Soomaaliya aysan tiro badneyn haddana Wasaaradda caafimaadka oo todobaadle u soo saarta xogta ayaa sheegtay in kaliya 102 qof u dhinteen cudurkan tan iyo Bishii March ee 2020.

Adduunka ayuu dilay dad kor u dhaafay dhowr Milyan waxaana waddamada qaar sheegayaan in Cudurka soo laabtay.

Back to top button