Somali News

AMISOM oo wareejisay maamulka Canshuurta Buula Burte

Taliska Amisom qeybta 4aad ayaa Maamulka Buulo Burte ku wareejiyay maamulka Maaliyadda iyo garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu khilaaf ka taagnaa maamulka maaliyadda iyo canshuuraha oo ay gacanta ku heyday Amisom taas oo uu ka horyimid maamulka degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, ku xigeenkiisa maaliyadda iyo Taliyaha qeybta 4aad ee Amisom ayaa xallinta arrintaas u tagay Buulo Burte.

C/Raxmaan Riyaale Xareed Taliyaha qeybta 4aad ee AMISOM ayaa amray Ciidanka AMISOM  in ay wareejiyaan maamulka Canshuurta,Maaliyadda iyo xabsiga magaalada.

Maamulka Magaalada Buulo Burte ayaa ka mahadceliyay sida xalka looga khilaafkii jiray waxaana uu ballanqaaday la shaqeynta Ciidanka AMISOM.

Back to top button