Somali News

Amnesty International oo ku baaqday in Caddaaladda la hor geeyo Janan.

Hay’adda Amnesty International ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday in caddaaladda la horgeeyo Wasiirkii Anniga Jubaland C/Rashiid C/Nuur Janan.

War kasoo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika, ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ‘xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashiid Janan’ oo maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay [Janan] inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Amnesty International

 

Back to top button