FeaturedSomali News

Aqalka sare oo waxba kama jiraan ka dhigay xil ka qaadista madaxda Galmudug [War-Saxaafadeed)

Guddiga joogtada ah ee Golah Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa warmurtiyeed kasoo saaray Xaaladda dawlad goboleedka Galmudug iyo is af garan waaga ka dhex jira Madaxda sare ee Maamulkaasi.

Fadhigii ay maanta ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxay soo saareen war murtiyeedka ay waxba kama jiraan uga dhigeem dhammaan xil ka qaadistii ka kala dhacday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Galmudug in la ilaaliyo midnimada iyo wada shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah, lana soo celiyo wada shaqeyntii ay hey’adaha lahaayeen ka hor khilaafka haatan jira.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada khilaafka Galmudug;

  • In marnaba aan la aqbali karin inay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug (xukuumad iyo baarlamaan) iyada oo golaha aqalka sare uu ku jiro dadaalo ku dhex-dhexaadinayo dhinacyada khilaafka Galmudug isla markaana aqalka uu garwadeen ka yahay sidii loo heli lahaa xal waara oo ay wada gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
  • Dhex-dhexaadinta aqalka sare waxaa ay ambaqaadeysaa midnimada iyo wadajirka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug, sidaasi darteed, waxaa saameyn ku yeelan meyso xil ka qaadis horay u dhacday iyo kuwa soo socda.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Galmudug inay ka qeybqaataan dadaallada xal u raadinta khilaafka ka dhex jira hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug isla markaana ay taageeraan dhex-dhexaadinta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Back to top button
Close
Close