Somali News

Askar ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo lagu dilay Gobolka Bakool

Wararka laga helayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay ku geeriyoodeen qarax haleelay kolonyo ay la socdeen.

Weerarka aya ka dhacay waddo u dhow Magaalada Waajid halkaas oo Gawaarida ay la socdeen Miino dhulka lagu aasay ku haleeshay waxaana halkaas ku geeriyooday Saddex Askari oo ka mid ah Milatariga Soomaaliya.

Degmada Waajid waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka Gobolka Bakool ee ay go’doomiyeen Al shabaab kuwaas oo u diiday in ay u gudbaan Gawaarida Raashiinka wada.

Ciidmaad Dolwadda,Kuwa Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM  ayaa dhowr jeer isku dayay in ay Al shabaab ka saaraan halkaasi hayeeshee wali kuma aysan guuleysan arrintaasi.

Back to top button