Somali News

Askar ka tirsan AMISOM oo ku dhaawacantay duqeyntii Xerada Xalane

Inta la xaqiijiyay laba ka mid ah Askarta Amisom ayaa ku dhaawacntay duqeyn lala beegsday xerada Xalane ee Amisom.

Askarta dhaawacantay ayaa u dhashay waddanka Uganda waxaana ay ku sugnaayeen xerada ugu weyn Amisom ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale burbur uu soo gaaray gaadiid ay ka midyihiin kuwa caafimaadka.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyada oo ku soo aaddisay xilli Muqdisjo isu diyaarineyso marti gelinta wareeg kale oo wadahadallo ah.

 

Back to top button