Somali News

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay SH.dhexe

Askar katirsan AMISOM oo ku geeriyootay Qarax lagula Eegtay Mahadaay.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Qarax xoogan lagla eegtay deegaan hoostega degmada Mahaaday ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu geliyo ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa Kolonyada Ciidanka AMISOM lagula eegtay xili ay marayeen deegaaka buurane ee degmada Mahadaay.

Dad ku sugnaa meel ku dhow Buurane ayaa soo weriyay inay maqlayeen Jugta qaraxaas, kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay, ayna xigtay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka AMISOM.

Back to top button