Somali News

Askar Kenyaan ah oo lagu laayay qarax ka dhacay Jubada hoose

Inta la xaqiijiyay todobo Askari oo Kenyaan ah ayaa ku dhintay halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii  kolonyo ay la socdeen uu qabsaday qarax la dhigay jidka dhinaciisa.

Askarta ayaa ku safrayay Waddada isku xirta Dhoobley iyo Hoosingow ee Gobolka Jubada hoose,waxaana mid ka mid ah Gawaaridii ay wateen haleeshay Miino dhulka lagu aasay.

Weerarka ayaa dhacay Talaadadii shalay,waxaana khasaaraha todobada askari ah Wakaaladda wararka ee ANadulu Agency u xaqiijiyay saraakiil ka mid ah Maamulka Jubaland.

waa weerarkii 2aad oo muddo 24 saac gudahood ah Jubada hoose lagula beegsado Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-shabaab ayaa Axaddii sheegtay in 17 ka mid ah Ciidamada Kenya ay ku dileen weerar ka dhacay isla Jubada hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaan ilaa hadda ka hadlin weerarrada ay ku dhinteen Askarteeda ee ka dhacay Gobolka Jubada hoose.

Back to top button