Somali News

Askar Kenyaan ahaa oo lagu qarxiyay Mandheera

Ugu yaraan shan Askari ayuu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerar lagula beegsaday duleedka Mandheera.

Taliyaha Police ka Gobolka Waqooyi Bari Kenya Rono Bunei, ayaa sheegay in 5 askari Kenyan ah ay haleeshay Miino lagu aasay wado dhinaceeda  kuwaasi oo dhaawacoodi khatar yahay.

Booliska Kenya ee dagaalka kula jira Al shabab ayaa dhowr jeer la kulmay weerarro toos ah iyo miinooyin kuwaas oo uu khasaare kel duwan ka soo gaaray.

Saraakiisha Kenya ee Gobolka ayaa sheegay in ay ku dabajiraan kooxdii weerarkaas ka dambeysay.

 

Back to top button