Maqal & MuuqaalSomali News

Askar ku eedeysan dilka Ardayad 9 sano jir ah oo lagu xiray Muqdisho & Maxkamad lasoo taagayo

Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay askar milateri ah oo loo heysto dilka Ardayad 9 sano jir ah oo ku geeriyootay rasaas ay fureen ciidamada oo ilaalo u ahaa jeneraal ka tirsan ciidamada milateriga agagaarka isbitaalka DIgfeer ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in gacanta ay kusoo dhigeen Afar qof oo u eedeysan dilka Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad , islamarkaana dhiganeysay Iskuulka Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaan ku eedeysan dilka Deeqo baaris lagu sameynayo si Maxkamad loo soo taago, lagana abaal marin doono dambiga ay geeysteen, isaggoo carabaabay in marnaba aysan oggolaan doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Shalay maanta maahan, Waxbaan dilayaa waan cararayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa in aan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu gaday canshuurta Shacabka lagu laayo Ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jeeseynayaa dambiga ay galeyn” ayuu yiri Gen. Bashiir

Tags
Close
Close