Somali News

Askari ka tirsan Dowladda oo Haweeeney ku dilay Baladxaawo

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuna sugan Baladxaawo ayaa dilay Haweeney ka mid ah ahayd dadka deegaankaas.

Gabadha ayuu la sheekeysan jiray askari muran soo kala dhexgalay labadooda ayaa keenay dilka.

Laamaha Amaanka ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geystay, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo hay’adaha Garsoorka ee dalka.

Xukunadii Maxakmadda Ciidamada qalabka sida ay ka fulisay magaalada muddo dhowr bil ka hor ka dib waa ay yaradeen falalka nocaan oo kala ah ee magaalada ka dhici jiray.

Back to top button