FeaturedSomali News

Askari kufsaday gabar 4- sano jir ah oo dil lagu xukumay | Akhri warkan.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Maxamed Xuseen Cilmi, oo katirsan Ciidammada Xoogga Dalka  loona haystay in uu kufsi uu u gaystay gabar afar sano jir oo lagu magcaabo Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan.

 

Kufsigaan, ayaa lasheegay in taariikhdu markey ahayd  14-kii May ee Sanadkan uu ka dhacay  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib waxay eedeesanaha hor geeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kadibna waxa uu qirtay in uu isaga falka geystay.

 


Eedeysanaha oo fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa sheegay inuu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer- ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in xukunka maanta lagu riday askariga uu fariin u noqonayo in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa  riday xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Askarigan ka tirsan Ciidanka Xoogga.

 

Askariga la xukumay iyo eheladiisa, ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan rafcaan makamadeed.

 

Back to top button