FeaturedSomali News

Axmad Madoobe, oo ciidammada la kulmay muxuu ka yiri qaraxii Kismaayo? | Akhri Xogtan.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe),  ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo qaraxii shalay lala beegsaday guddoomiyihii rugta ganacsiga oo ay ku geeriyoodeen  guddoomiyihii iyo dad kale oo shacab ahi.

 

 

Axmad Madoobe, oo kulan la qaatay  ha’adaha amniga iyo saraakiisha kala duwan ee ciidammada Jubbaland, ayaa amar ku bixiyay  in kor loo qaado sugidda nabad gelyada isla markaana baaritaan qotodheer lagu sameeyo qaraxii shalay dadka lagu laayay eek a dhacay afaafka hore ee masjidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaanyo.

 

Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhanka kale  sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo amaanay sida ciidamada ay ugu gudanayaan shaqadooda.

Dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay Kismaanyo oo uu kamid ahaa guddoomiyiihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, ayaa qaban qaabada aaskoodu kasocdaa magaalada Kismaanyo iyada oo uu ka qayb galayo madaxweynaha Jubbaland.

 

Qaraxii shalay oo dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa haatan waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aaskooda

 

.

 

 

Back to top button