FeaturedSomali News

Axmad Madoobe: Soconmayso in saddexdayadan nin ee isku reerka ahi aannu war-murtiyeed soo saarno..

Madaxweynaha Maamul  goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘”Madoobe” , ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Deni ay isku raaceen in aanay kaligood wax wada hadal ah lagelin  madaxweyne Farmaajo wakhti ay  ay maqan yihiin dhinacyadii kale ee siyaasadu.

“Haddaan saddexdeena isku reerka ah shirno oo war murtiyeedka kasoo saarno doorashada, waxay macno tiraysaa wixii aan ku doodaynay iyo ujeedada aan Muqdisho u nimid,”ayuu yiri  Axmad Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in aan wax doorasho ah laga hadli karin inta uu taagan yahay khilaafka labada aqal ee barlamaanku islamarkaana ay kala qaynsanaani ku jirto ku dhex jiro saamilayda ay  siyaasadu ka dhexayso.

“Labadii aqal oo khilaafsan, dowlad goboleedyadii oo labo qaanadood lagu kala ridayo iyo madaxdii oo buuq kale ku dhex jira, wax macno nooma sameynayso in la yiraahdo doorasho ayaa laga hadlayaa. Asalku waa in midnimada la isku keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe.


Axmed madoobe , ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu maanta la qaatay Golaha  Saree e Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Back to top button