Somali News

Axmed Faal oo Jowhar kula kulmay saraakiisha Hay’adaha amaanka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan (Faal) ayaa waxaa uu Magaalada Jowhar ee Xarunta Dolwad Goboleedka Hirshabeelle kulan kula qaatay saraakiisha Amaanka iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay amaanka Gobolka iyo sida saraakiisha hay’adaha amaanka iyo maamulka u wada shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa ay dhinacyada kulanka la xiriiray amaanka ku yeeshay Jowhar isla qaateen in si wadajir ah looga shaqeeyo amaanka Magaalada Jowhar oo isu diyaarineysa marti gelinta doorashada xubnaha labada aqal ku matalaya Hirshabelle.

Back to top button