Somali News

Axmed Madoobe: “doorasho kama dhaceyso Soomaaliya iyo Jubaland toona”

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jubaland aysan ka dhaceyn doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahanyahay in ay Ciidamadeeda Kala baxdo Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo uu sheegay inJubaland heshiiska doorashada siinayay in laba magaalo ay ku qabato doorashada kuwaas oo kala ah kismaayo iyo Garbahaareey, Garbabaareyna aysan gacanta jubaland.

Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii habeen hore  ay alshaban  ku laayeen magaalada Muqdisho iyo Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo.

Tacsida kadib ayuu Madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaadadeed ee Dalka, Xaaladda gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.

Back to top button