Somali News

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo la kulmay Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.

Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.

Labada Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa muddo ka badan laba todobaad ku sugan Muqdisho iyaga oo laga dalbaday in aanay dalka ka bixi karin ilaa heshiis siyaasadeed la gaaro.

Back to top button