Somali News

Axmed Madoobe oo eedeeyay DF ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam ayaa eedeyn aad u culus u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Axmed oo maanta furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Jubaland ayaa waxa uu ka jadlay sababta sanad kaddib doorashadiisii uusan u soo magacaabin Gole wasiirro.

Waxaa uu sheegay in uu raadinayay midnimada Jubaland, gobolka Gedona uu yahay caqabadda ugu weyn.

Madoobe ayaa dowladda federaalka Ku eedeeyay in ay ka baxday dhamaan heshiisyadii ay ka gaareen arrinta Gobolka Gedo halkaas oo ay maamulaan Ciidamo toos u hoostaga Dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday aqoonsiga maamulka Jubaland kaddib doorashadii 22kii August 2019kii.

Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa heshiisyo hore gaaray inkasta oo aanay waxba ka soo naasacaddaan.

Back to top button