Somali News

Axmed Madoobe oo maanta furaya fadhiga Baarlamaanka JL

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa tagay xarunta Daawad ee fadhiga Baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa uu furidoonaa kalfadhiga baarlamaanka Jubaland kuwaas oo fadhigan Ku dooranaya golaha Aqalka sare ee Jubaland.

Heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in bishan October la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Aqalka sare.

Kalfadhiga uu maanta furayo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad uu Xildhibaanada ugu sharraxayo heshiiskii laga gaaray doorashada ee ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale Dowlad Goboleedyada ayaa iyana billaabaya xulista golaha aqalka sare maaddaama iyaga ugu horreeyaan doorashada.

Back to top button