Somali News

Baarlamaanka Hirshabeelle oo doortay Guddoomiye KMG ah

Golaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay Magaalada Jowhar waxaana ay iska dhrxdoorteen Guddoomiye KMG ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.
Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah oo ka qeyb shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona Maxamed Aqbalay xilkaas.

Back to top button