Somali News

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaay ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed , ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa
Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Ugu dambeyntii xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa ansixiyey Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Back to top button