Somali News

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta  kulan ku yeeshay Magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaas.

Ajendaha kulanla maanta ayaa ahaa meel marinta Miisaaniyadda 2021 ee Maamulka Puntland.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyadda maamulkaas ee 2021 oo dhan $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii.

halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 (Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta ku laabto Garowe kaddib socdaal bil ka badan qaatay oo uu ugu maqnaa Kenya iyo Imaaraadka.

 

Back to top button