Breaking NewsSomali NewsXulashada

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga maareynta Maaliyadda Dalka

MUQDISHO (WADANI)- Kulan ay shalay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka xildhibaanada baarlamaanka Federalka ayaa lagu ansixiyay sharciga Maareynta Maaliyadda.
Shirkan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 141-Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ugu horeyn cod geliyay Sharciga maareeynta maaliyadda Oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray.

Waxaa Codka haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada ayaa bilowday xilli dambe kadib markii uu buuxsami waayay tirada xildhibaanada ee loogaga baahnaa inuu kulanku ku furmo.

Back to top button
Close
Close