Somali News

Baarlamaanka Turkiga oo ka doodaya Ciidan uu u soo diro Soomaaliya

Baarlamaanka Waddanka Turkiga ayaa wada daad la xiriirta sidii Ciidamo ka socda Waddanka Turkiga loo geyn lahaa biyaha Soomaaliya.

Doodda Baarlamaanka ayaa la xiriira sidii Soomaaliya looga caawin lahaa tababarka Ciidamada Badda iyo ka hortagga Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya.

Markab kuwa dagaalka ah oo wada Ciidamada Badda Turkiga ayaa ka mid ah qorshaha in loo soo diro biyaha Soomaaliya oo uu la degay kalluumeysi sharci darro ah iyo weerarro Bircad Badeed.

Haddii tallaabadaasi ogolaado waxaa uu Turkiga ka mid noqonayaa waddamada ay Ciidamada Badda ka joogaan Soonaaliya ee u badan Europe iyo Aasiya.

Turkiga ayaa hadda Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidanka, miisaaniyadda, dib u dhiska iyo dowlad wanaagga.

Back to top button