Somali News

Baarlamaanka Turkiga oo ogolaaday in Ciidankooda joogaan biyaha Soomaaliya ilaa 2022

Baarlamaanka Waddanka Turkiga ayaa cod aqlabiyad leh ku meel  mariyay mooshin lagu doonayay in la ansixiyo Ciidanka Turkiga eek a howlghalaya biyaha Soomaaliya.

Codka kalsoonida ee ay qaadeen Baarlamaanka Turkiga ayaa waxaa ay ku ogolaadeen in Ciidamada Turkiga ay joogaan biyaha Soomaaliya ilaa sanadka 2022ka.

Howlgalkooda oo billowday sanadkii 2008dii ayaa la kordhiyay muddo 13 jeer ah.

Waxaa ay sidoo kale ka howlgalayaan biyaha Cadan, kuwa Khaliijka iyo biyaha Soomaaliya.

Back to top button