Somali News
Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya , oo duuduub ku ansixiyay heshiiska doorashada.

Labada aqal ee baarlamanka federaalka ee Soomaaliya, ayaa cod aqlabadiyadda ah ku meelmariyay heshiiskii laga gaaray qabsoomidda doorashooyinka dalka.
Heshiiska, waxaa ogolaadaay 252 xildhibaan oo kamid ah 255 mudane oo kalfadhiga soo xaadirya . Waxaa diiday 2 xildhibaan. Halka mudane kali ah uu ka aamusay.
Heshiiskan oo 17-kii bishan ay gaareen Dawladda Federaalka ah , dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa sidaas ku noqday sharciga lagu gelayo doorashada 2020-2021 ee xubnaha baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya.