Somali News

Baladweyne: Shir ka dhan ah Hirshabeelle oo ka furmay magaaladaas

Wararka ka Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in shir looga soo horjeedo dhismaha Maamulka Hirshabeelle uu ka billowday.

Shirkan ayaa lagu diiddanyahay in xilka Madaxweynaha Hirshabeelle uu qabto Cali Guudlaawe iyo Beeshiisaba.

Shirka Baladweyne oo ay qabatay Beesha Waare uu ka soo jeedo ayaa lagu sheegay in lagu sameynayo Maamul aan ahayn Hirshabeelle.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa Beeshiisa shalay ugu baaqay in ay sameystaan maamul ka madaxbanaan Hirshabeelle.

Wadahadallo Muqdisho Ku dhexmaray Ugaaska Xawaadle, Cali Guudlaawe iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu kala tagay.

Dowladda Farmaajo ayaa dooneysa in wax laga beddelo nidaamka awood qeybsiga Hirshabeelle gaar ahaana in la is weydaariyo Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Back to top button