Somali News

Balal Maxamed oo la kulmay Wasiirrada arrimaha dibadda Pakistan iyo Turkiga

Soomaaliya ayaa ka qeybgashay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Caasimadda Wadddanka Niger.

Wasiiru -dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo shalay oo furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.

Dhirka Waddamada Islaamka intii uu socday ayuu kulama doceedyo la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Islaamka qaarkood sida Pakistan, Turkiga iyo kuwo kale.

Back to top button