Somali News

Banaanbax lagu taageerayo Ciidanka Itoobiya oo ka dhacay Ismaamulka Soomaalida

Wararka ka imanaya Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in Dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaas ay dhigeen banaanbax lagu taageerayo Ciidamada Itoobiya.

Maamulka Degmada Boqolmaayo ayaa hoggaaminayay banaanbaxaas waxaana lagu taageerayay Ciidamada Federaalka Itoobiya ee dagaalka kula jira Ismaamulka Tigrega.

Banaan Baxan ayaa waxaa Horkacayey Gudoomiyaha Degmada Boqolmaayo (BK) Prof Abdullahi Yusuf.

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa wali dagaal kula jira Maamulka Tigreega waxaana socda howlgallo culus.

Dowladda Suudaan ayaa xaqiijisay in Kumanaan Itoobiyaan ah oo ka soo barakacay dalkooda ay galeen dalkeeeda.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa diiday in wadahadal uu la galo Tigreega isaga oo shuruud uga dhigay in marka hore ay hubka dhigaan.

Back to top button